U bood dhigaalka

William Ruto oo si kulul u cambaareeyay duqeymaha ka socda Bariga Dhexe, kuna baaqay in la dejiyo xiisadda

Sheeko:War

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si adag u cambaareeyay weerarro lagu qaaday dalal ku yaalla Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin United Arab Emirates, Qatar, Saudi Arabia, Iraq, Oman, Kuwait, Jordan iyo Bahrain.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Madaxweyne Ruto ku sheegay in ballaarinta colaadda Bariga Dhexe ay halis weyn ku tahay nabadda iyo amniga caalamka, isagoo tilmaamay in xaaladdu marayso marxalad xasaasi ah oo khatar badan.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in marka ay taagan tahay xaalad sidan u culus, ay muhiim tahay doorka hay’adaha caalamiga ah ee muddada dheer jiray, kuwaas oo uu ku sifeeyay “qaab-dhismeed lama huraan u ah xal u helidda khilaafaadka iyo ka hortagga sii fida colaadaha.”

Sidoo kale, Kenya waxay ku baaqday in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal ay ka qeyb qaataan dhinacyo badan si loo dejiyo xiisadda loogana hortago in colaadda ay sii ballaarato.

Kenya ayaa inta badan ku baaqda xal diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood marka ay timaaddo khilaafaadka caalamiga ah, iyada oo marar badan adkaysay in wada hadalku yahay jidka ugu wanaagsan ee lagu gaari karo xasillooni waarta.

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli xiisaddu ay sii kordhayso, isla markaana ay jirto cabsi laga qabo in colaadda Bariga Dhexe ay saameyn ballaaran ku yeelato dalalka gobolka iyo guud ahaan amniga caalamka.