Xiisadda u dhaxaysa Iiraan, Israa’iil iyo Maraykanka ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan uu ku dhawaaqay in Marin-biyoodka Hormuz la xiray, isla markaana markab kasta oo isku daya inuu ka gudbo la weerari doono.
Ebrahim Jabari, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa sida ay baahisay warbaahinta dowladdu sheegay in ciidamada badda ee IRGC iyo kuwa caadiga ah gubi doonaan maraakiibta haddii la jebiyo amarka xiritaanka.
Wuxuu intaa ku daray in Iiraan ay beegsan doonto dhuumaha shidaalka, isla markaana aan hal dhibic oo saliid ahi ka bixi doonin gobolka.




From the comments