Sida ay baahisay warbaahinta middle east aye ciidamada Israa’iil ayaa xireyay albaabada Masjidka Al-Aqsa maalintii saddexaad oo xariir ah, iyagoo ka hor istaagay Muslimiinta Falastiiniyiinta ah inay ku tukadaan goobtan barakeysan xilli lagu guda jiro bishan Ramadan.
Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay xiritaanka masjidka Subaxnimadii Sabtidii, iyagoo ka eryay dadkii halkaas u tukaday, isla markaana xannibay gelitaanka xilliyada cishaha iyo Salaadda Taraawiixda.
Sababta ayaa lala xariiriyay amni darro iyo xaalad degdeg ah, taasoo sababtay in albaabada la xiro lana xoojiyo gelitaanka iyo ku cibaadaysiga masjidka barakeysan.




From the comments