Puntland “Ma aqoonsan doonno wax ka bedelka Dastuurka”
Dawlad Goboleedka Puntland iyo Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela maamulkaas ayaa magaalada Garowe ka soo saaray go’aanno ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si adag u cambaareeyey falkii 1-dii Maarso 2026 looga hor istaagay diyaarad siday mudanayaal iyo mas’uuliyiin ku wajahnaa Puntland.
Shirku wuxuu falkaas ku tilmaamay mid ka dhan ah sharciga iyo xorriyadda socdaalka, isagoo eedeynta dusha ka saaray madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Dhinaca kale, Puntland waxay si cad u sheegtay inaysan aqoonsanayn wax kasta oo ka beddel ah oo lagu sameeyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee 2012-ka, iyadoo ku dooday in hannaanka hadda loo marayo wax ka beddelka uu yahay mid sharci-darro ah oo baal-san heshiisyadii lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.
Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen in muddada xil-haynta ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xil-haynta Madaxweynaha ay ku eg tahay 15-ka Maajo 2026, iyagoo uga digay madaxda qaranka inay isku dayaan muddo kororsi ama tallaabooyin keeni kara firaaq dastuuri ah.
Go’aankan waxaa si wadajir ah u ansixiyey 30 xildhibaan oo ka tirsan DFS, kuwaas oo isugu jira Senatarro iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose, iyagoo sheegay inay qayb ka noqon doonaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin doorashooyinka dalka.