Dawlad Goboleedka Puntland iyo Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela maamulkaas ayaa magaalada Garowe ka soo saaray go’aanno ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si adag u cambaareeyey falkii 1-dii Maarso 2026 looga hor istaagay diyaarad siday mudanayaal iyo mas’uuliyiin ku wajahnaa Puntland.
Shirku wuxuu falkaas ku tilmaamay mid ka dhan ah sharciga iyo xorriyadda socdaalka, isagoo eedeynta dusha ka saaray madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Dhinaca kale, Puntland waxay si cad u sheegtay inaysan aqoonsanayn wax kasta oo ka beddel ah oo lagu sameeyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee 2012-ka, iyadoo ku dooday in hannaanka hadda loo marayo wax ka beddelka uu yahay mid sharci-darro ah oo baal-san heshiisyadii lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.




From the comments