James Swan oo loo Magacaabay Madaxa MONUSCO ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay dublamaasiga ruug-cadaaga ah ee u dhashay dalka Maraykanka, James Swan, inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxa Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (MONUSCO).
Mr. Swan ayaa xilkan ka dhaxli doona Bintou Keita oo u dhalatay dalka Guinea.
Xoghaya Guud ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay Ms. Keita, isagoo ku bogaadiyay hufnaantii iyo dadaalkii ay gelisay mid ka mid ah hawlgallada ugu adag ee Qaramada Midoobay ay ka fuliso caalamka.
Magacaabistan ayaa timid xilli Mr. Swan uu ahaa qof si weyn looga yaqaano saaxadda siyaasadda Soomaaliya, isagoo soo maray heerar kala duwan:
2019–2022: Waxa uu soo ahaa Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
March 2025–Hadda: Waxa uu hoggaaminayay Hawlgalka KMG ah ee UNTMIS, kaas oo loo dhisay inuu fududeeyo u kala-gudubka mas’uuliyadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Sii-hayaha Xilka: Intii u dhaxaysay UNSOM iyo UNTMIS, waxa uu sidoo kale u soo adeegay sidii sii-haye marar kala duwan ah.
Magacaabista James Swan ee xilka DR Kongo waxay ku soo aadaysaa xilli uu gabogabo ku dhow yahay hawlgalka UNTMIS ee Soomaaliya.
Is-afgarad dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in hawlgalkaas la soo afjaro, taas oo calaamad u ah in Soomaaliya ay u gudubtay weji cusub oo ay iyadu gacanta ku hayso masiirkeeda amni iyo siyaasadeed.