Dhaqaalaha Mareykanka iyo saameynta dagaalka gobolka Bariga Dhexe
Dhaqaalaha baaxadda leh ee Mareykanka uga baxa dagaalka lagula jiro Iiraan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo warbixinnada ugu dambeeya ee ka soo baxaya xarumaha cilmi-baarista sida CSIS ay muujinayaan in maalin kasta oo dagaal ah ay ku kacayso qiyaastii $890 milyan oo doollar.
Kharashkan waallida ah ayaa loo qeybiyay hawlgallada cirka oo keliya oo u baahan $30 milyan maalinle ah, halka dhaqdhaqaaqa ciidanka badda iyo difaaca doomaha dagaalkuna ay ku kacayaan $15 milyan oo doollar 24-kii saacba.
Dhaqaalaha ugu badan ayaa ku baxa hubka casriga ah iyo gantaallada difaaca, halkaas oo 100-ka saac ee ugu horreeya dagaalka looga baahan yahay qoonde lacageed oo gaaraya $1.5 bilyan oo doollar oo lagu iibsado rasaasta iyo madaafiicda caynkaas ah.
Sidoo kale, ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa Mareykanka ka raba kharash dheeri ah oo lagu qiyaasay $1.7 bilyan oo doollar.
Haddii xaaladdu ay gaarto in ciidanka dhulka la geliyo gudaha Iiraan muddo laba bilood ah, khubarada dhaqaaluhu waxay ka digayaan in wadarta guud ee kharashka dagaalku uu kor u dhaafi karo $95 bilyan oo doollar, taas oo culeys weyn ku noqonaysa miisaaniyadda qaranka Mareykanka.