Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 25-aad ee EAC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa subaxnimadii maanta oo Sabti ah ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.
Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya ka qayb galka Shir Madaxeedka 25-aad ee caadiga ah ee Hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Shirkan oo sanadkan lagu qabanayo halkudhigga ah “Xoojinta Is-dhexgalka si loo hagaajiyo nolosha muwaadiniinta Bulshada Bariga Afrika,” ayaa diiradda lagu saarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaale iyo midka bulsho ee dalalka gobolka.
Arrimaha ugu waaweyn ee ajandaha shirka ku jira waxaa ka mid ah daah-furka nidaamka Dammaanad-qaadka Kastamka ee EAC, kaas oo ah hannaan maaliyadeed oo casri ah oo loogu talagalay in lagu fududeeyo dhaqdhaqaaqa badeecadaha, laguna yareeyo caqabadaha ganacsiga ee ka jira xuduudaha dalalka xubnaha ka ah dalladdan.
Ka qayb galka Madaxweyne Xasan Sheekh ee shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama dalku uu dhowaan si rasmi ah ugu biiray dalladda, taas oo fursad u siinaysa ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan suuqa weyn ee Bariga Afrika iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socda.