Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qalinka ku duugay saxiixa Dastuurka cusub ee dalka, kaas oo ay horay u meel mariyeen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, kuwaas oo markhaati ka ahaa tallaabadan muhiimka ah ee lagu xoojinayo dowladnimada dalka.
Dhammaan warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ayaa looga yeeray madaxtooyada si ay goobjoog uga noqdaan guushan weyn, iyadoo ujeedadu tahay in caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba lala socodsiiyo in dalku uu hadda leeyahay Dastuur rasmi ah, laguna guulaystay in meesha laga saaro caqabadihii muddada dheer hortaagnaa dhamaystirka sharciga ugu sarreeya dalka.




From the comments