U bood dhigaalka

Todobaad Kadib Duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan waa sidee xaalka gobolku?

Hal toddobaad kadib markii uu qarxay dagaalka ay wadajirka u qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, xaaladda Bariga Dhexe ayaa gashay marxalad cusub oo qalalaase ah.

Dagaalkan oo si degdeg ah u billowday ayaa muddo kooban gudahood isu beddelay xiisad goboleed oo khatar ku ah amniga iyo dhaqaalaha caalamka.

Weeraradii ugu horreeyay ee ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo milatari iyo goobo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran.

Inta lagu guda jiray weerarradan ayaa sidoo kale  la dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iiraan, Ayatullaahi Cali Khamenei, taas oo keentay in xaaladda gobolka ay si weyn u kacsato.

Weeraradaasi waxay sababeen burbur ballaaran oo soo gaaray qaar ka mid ah saldhigyada milatariga iyo nidaamyada gantaalaha Iiraan.

Iiraan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay weerarradaas, iyadoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacday bartilmaameedyo la xiriira Mareykanka iyo Israa’iil, ayadoo ay weerarradaas aargoosi ah dhibbane u noqdeen dalalka Khaliijku.

Weeraradaas ayaa sidoo kale cabsi geliyay dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa martigeliya saldhigyada ciidamada Mareykanka, ayadoo dagaalku uu sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan dhinaca tamarta.

Marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz Strait, oo ay maraan inta badan maraakiibta shidaalka qaada, ayaa galay xaalad khatar ah, taas oo keentay in qiimaha shidaalka caalamka uu sare u kaco.

Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku saabsan dagaalkan, inkasta oo maamulka Aqalka Cad uu sheegay in ujeeddada dagaalku tahay in la burburiyo awoodda gantaalaha Iiraan, la joojiyo taageerada ay siiso kooxaha hubeysan ee gobolka, iyo in laga hortago in Iiraan hesho hub nukliyeer, haddana falanqeeyayaal badan ayaa sheegaya in aan weli si cad loo qeexin sida dagaalka loo soo afjari doono.

Khatar kale oo muuqata ayaa ah in dagaalku sii dheeraado, taas oo keeni karta khasaaro naf iyo maalba leh, isla markaana saameyn ku yeelan karta siyaasadda gudaha Mareykanka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda.

Ugu dambeyn, inkasta oo Mareykanka iyo Israa’iil ay sheegayaan inay gaareen guulo milatari oo muhiim ah, haddana khubarada siyaasadda iyo amniga ayaa ka digaya in dagaalkan uu isu beddeli karo mid muddo dheer socon kara oo gobolka oo dhan saameeya.

Dowlado badan oo caalami ah ayaa ku baaqaya in colaadda la joojiyo loona laabto wada-hadal si looga hortago dagaal ballaaran oo Bariga Dhexe ka qarxa.