U bood dhigaalka

Trump oo si layaab leh uga hadlay weerarkii Dugsiga gabdhaha ee waqooyiga Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ka hadlay weerarkii dhimashada badan sababay ee maamulkiisa iyo Israa’iil ay ku beegsadeen dugsiga  gabdhahaa ee waqooyiga Iiraan ayaa sheegay in Tehran ay falkaas ka dambeysay.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ay weydiiyeen wariyeyaashu, Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan duqeyn dugsigaasi, isla markaana wuxuu ku andacooday in Iran ay mas’uul ka tahay dhacdadaasi.

Weerarka lagu qaaday dugsiga gabdhaha ee ku yaalla koonfurta Iiraan ayaa kamid ahaa dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhacay taniyo markii uu billowday weerarka ay Israa’iil iyo Maraykanku ka wadaan dalka Iiraan.