Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka xiriir kula sameeyay dhiggiisa dalka Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov.
Wasiirka ayaa inta uu socday wada-hadalku u muujiyay dowladda iyo shacabka Azerbaijan sida ay Soomaaliya ugu garab taagan tahay ka dib weerarkii dhowaan ka dhacay dalkaas, isagoo u gudbiyay fariin muujinaysa midnimada iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro nabadda, madax-bannaanida dhuleed, iyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah ee lagu maamulo xiriirka waddamada.
Wadahadalkan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo mowqifkeeda ku aaddan nabadgelyada caalamka.