Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay weerarro ay waddo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay falal gardarro ah oo ka dhan ah Sacuudiga iyo dalal kale oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka, iyo sidoo kale dalal Carbeed, Islaami ah iyo kuwo saaxiib la ah.
Bayaan degdeg ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarradaas aan la aqbali karin ama lagu qiil siin karin xaalad kasta oo jirta, iyadoo Sacuudi Carabiya ay muujisay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda amni ee gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sidoo kale sheegtay in weerarrada isdaba joogga ah ee ay ku eedeysay Iiraan ay horseedi karaan kor u kac cusub oo xiisadaha gobolka ah, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dalalka ay arrintu khusayso.
Bayaanka ayaa ugu dambayn ku baaqay in la joojiyo falalka lagu tilmaamay gardarrada, isla markaana la ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda gobolka.