Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay kororka qiimaha shidaalka ee caalamka iyo xiisadaha amni ee ka taagan Marinka Hormuz, isagoo ku boorriyay maraakiibta ganacsiga inay sii wadaan socdaalkooda, isla markaana aysan ka baaqan marin-biyoodka muhiimka ah.
Wareysi uu siiyay Fox News, Trump ayaa sheegay in maraakiibtu ay muujinayaan geesinimo oo ay si caadi ah uga gudbaan Marinka Hormuz, isagoo xusay in aysan jirin sabab lagu cabsi qabo sida uu hadalka u dhigay.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanka ay bartilmaameedsadeen awoodaha badda ee Iiraan, isagoo ku andacooday in dhammaan maraakiibta Iiraan la quusiyay, isla markaana la burburiyay inta badan goobaha laga rido gantaallada, isagoo intaas ku daray in ay ka harsan yihiin kaliya boqolkiiba 20 ka mid ah awoodahaas.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sare u kaceen walaacyada ku saabsan amniga Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta qaada shidaalka caalamka, iyadoo xiisadaha gobolka ay weli taagan yihiin.