U bood dhigaalka

Amiirka Kuwait” dal Muslim ah oo deris nala ah ayaa nagu wada weeraro arxan-darro ah”.

Maarso 10, 2026

Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Meshal al-Ahmad al-Sabah, ayaa sheegay in dalkiisu uu la kulmayo weerar arxan darro ah oo ka yimid dal Muslim ah oo deris la ah, oo uu ula jeedo Iiraan.

Amiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Kuwait ay leedahay xuquuq buuxda oo sharci ah oo ay isku difaaci karto, asagoo sheegay in aysan marna dhulkooda u oggolaan in laga weeraro Iiraan.

Sheikh Meshal al-Ahmad al-Sabah ayaa hadalkan ku sheegay bayaan rasmi ah oo uu soo saaray, isaga oo ku eedeeyay dalka deriska ah ee Iiraan inuu qaaday tallaabooyin gardarro ah oo khatar gelinaya amniga iyo xasiloonida Kuwait.

Wuxuu sheegay in dowladda Kuwait ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso madaxbannaanida iyo badbaadada shacabka.

Amiirku wuxuu sidoo kale ugu baaqay bulshada caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay taageeraan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka.

Wuxuu xusay in Kuwait ay weligeed ku dadaali jirtay nabad, wada-hadal iyo deris wanaag, balse aysan ka labalabeyn doonin inay difaacdo dhulkeeda iyo qaranimadeeda.

Iiraan oo dagaal adag kula jirta Mareykanka iyo maamulka Israa’iil ayaa dhawr mar weerartay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Kuwait, ayadoo ay waxyeello gaartay dad shacab ah iyo kaabeyaal dhaqaale.