U bood dhigaalka

Australia oo gantaallo iyo agab kale oo militari u diraysa Imaaraadka

Maarso 10, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu gantaallo iyo diyaarad kormeer ah u diri doono gobolka Khaliijka si loo xoojiyo difaaca waddamada halkaas ku yaalla, iyadoo xiisadda dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan ay sii kordhayso.

Albanese ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Canberra ku sheegay in dowladdiisu ay gobolka u diri doonto diyaarad kormeer oo nooca E-7A Wedgetail ah, taas oo ka caawin doonta ilaalinta hawada iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda Khaliijka muddo afar toddobaad ah.

Sidoo kale, Australia ayaa qorshaynaysa inay gantaallo casri ah oo hawada laga rido u dirto Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) si ay uga caawiso difaaca hawada ee ka dhanka ah weerarrada Iiraan.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay taageerada difaaca ee dalalka gobolka, isagoo xusay in weerarrada Iran ay ku sii fidayaan dalal badan oo Bariga Dhexe ku yaalla.

“Isku dhaca Iiraan ee Bariga Dhexe wuxuu bilaabmay wax ka yar toddobaad ka hor, balse weerarrada jawaabta ah ee Iiraan ayaa sii kordhaya, heer aan hore loo arag,” ayuu yiri Albanese.

Sababta Australia u qaaday tallaabadan
Albanese ayaa sheegay in ay mid ka mid tahay badbaadinta muwaadiniinta Australia ee ku nool Bariga Dhexe. Sida uu sheegay.

In ka badan 115,000 oo Australian ah ayaa ku nool gobolka, ayadoo Ku dhowaad 24,000 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin UAE.

Wuxuu intaas ku daray in taageerada Australia ay tahay mid difaac oo keliya, isla markaana aan dalkaasi qorshaynayn inuu weerar ku qaado Iiraan.

Dagaalka hadda socda ayaa si weyn u saameeyay gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Iiraan lagu eedeeyay inay weerarro ku qaaday dhowr dal oo gobolka ah, halka Maraykanka iyo Israa’iil ay wadaan duullaan militari oo ka dhan ah Tehran.