Madaxweyne Trump ayaa khudbad xasaasi ah oo uu xalay jeediyay kaga dhawaaqay in maamulkiisu uu si guul leh u xannibay hamigii Iiraan ay ku doonaysay inay ku noqoto quwad weyn oo caalami ah.
Waxaa uu ku faanay in culayska uu saaray uu keenay in dalkaas uu hadda qarka u saaran yahay burbur iyo quus weyn.
Trump waxa uu adeegsaday luuqad adag isaga oo sheegay in Iiraan ay hadda ku dhowdahay inay gurmad iyo badbaado dalbato ka dib markii ay iska diideen fursado hore oo loogu soo bandhigay miiska wadahadalka.




From the comments