Qatar oo Doonaysa Inay Xoojiso Iskaashiga Difaaca ee Maraykanka Kadib Weerarradii Iiraan
Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay doonayso inay sii xoojiso iskaashiga dhinaca difaaca ee kala dhexeeya Maraykanka, kadib weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran ay ku qaadday dhulka Qatar, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed Al Ansari.
Afhayeenku wuxuu caddeeyay in iskaashiga amni ee Qatar iyo Maraykanka uu yahay mid muhiim u ah difaaca dalka, balse loo baahan yahay in la sii xoojiyo heshiisyada amni ee Qatar la leedahay Maraykanka iyo sidoo kale dalal Yurub ah.
Weerarada Iiraan ayaa yimid kadib duqeymo ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen bartilmaameedyo Iran ku yaalla, kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyeyaal sare oo Iran ka tirsan.
Jawaabta Iran ayaa noqotay weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah oo lagu beegsaday dalal Khaliijka ah oo soo saara shidaal, taas oo carqalad ku keentay wax-soo-saarka gobolka isla markaana sare u qaaday qiimaha shidaalka caalamka.
Qatar waxay martigelisaa saldhigga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, kaas oo ah saldhigga Al Udeid Air Base, oo sidoo kale kamid ahaa meelaha la weeraray intii uu socday dagaalka bilaabmay 28-kii Febraayo.
Majed Al Ansari ayaa sheegay in iskaashiyada amni ay yihiin xannibaadda ugu weyn ee ka hortagta weerarro lagu qaado Qatar, isagoo intaa ku daray in xoojinta awoodda difaac ay tahay talaabo muhiim ah si looga hortago khataraha mustaqbalka.