Kooxda Xisbullaahi ee Lubnaan ayaa la sheegay inay ku dhawaad 100 gantaal ka riddeen koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ku wajahnaa waqooyiga Israa’iil.
Tan ayaa noqotay weerarkii gantaallada ee ugu weynaa ee ay kooxdaasi fuliso bishan, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil, qaylo-dhaanta digniinta duqeymaha cirka ayaa laga maqlay magaalooyin badan oo ay ku jiraan Haifa iyo gobolka Galilee, kaddib markii gantaallada la soo ridey.
Militariga Israa’iil ayaa ku tilmaamay weerarkan inuu yahay kii ugu weynaa ee ay Xisbullaahi qaaddo tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya labada dhinac.




From the comments