U bood dhigaalka

Kooxda hubeysan ee Xisbullaahi oo in ka badan 100 gantaal ku weerartay Israa’iil

Kooxda Xisbullaahi ee Lubnaan ayaa la sheegay inay ku dhawaad 100 gantaal ka riddeen koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ku wajahnaa waqooyiga Israa’iil.

Tan ayaa noqotay weerarkii gantaallada ee ugu weynaa ee ay kooxdaasi fuliso bishan, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil, qaylo-dhaanta digniinta duqeymaha cirka ayaa laga maqlay magaalooyin badan oo ay ku jiraan Haifa iyo gobolka Galilee, kaddib markii gantaallada la soo ridey.

Militariga Israa’iil ayaa ku tilmaamay weerarkan inuu yahay kii ugu weynaa ee ay Xisbullaahi qaaddo tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in nidaamka difaaca gantaallada ee Israa’iil uu qabtay qaar badan oo ka mid ah gantaallada, halka kuwa kalena ay ku dhaceen dhul bannaan, Ilaa haddana lama shaacin khasaaro rasmi ah oo ka dhashay weerarka.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullaahi oo la safan Iiraan ayaa sare u kacaysay maalmihii u dambeeyay, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayeen weerarro ka kala dhacaya xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.