Maraykanka oo xaqiijiyay inuu dagaalka Iiraan u adeegsaday AI
Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen qalabyo sirdoon macmal ah (AI) intii uu socday dagaalka ay si wadajir ah ula wadaan Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.
Arrintan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan khasaaraha rayidka ee ka dhashay duqeymaha ka socda dalka Iiraan.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, Admiral Brad Cooper, oo ayaa sheegay in AI ay ciidamada ka caawinayso falanqaynta xog aad u badan oo ku saabsan goobaha dagaalka.
Sida uu sheegay, tiknoolajiyaddan ayaa awood u siinaysa ciidamada in ay si dhakhso leh u helaan macluumaad muhiim ah, taas oo ka caawisa hoggaanka milatariga in ay gaaraan go’aamo degdeg ah oo ka horreeya jawaabta cadowga.
Cooper wuxuu xusay in nidaamyada AI ay hawlo qaadan jiray saacado ama maalmo ay hadda ku qabtaan ilbiriqsiyo gudahood, asagoo carrabka ku adkeeyay in go’aamada ugu dambeeya ee ku saabsan bartilmaameedyada la weerarayo ay weli bini’aadamka gaaraan, islamarkaana tiknoolajiyaddu ay tahay oo keliya qalab taageero u ah go’aan-qaadashada.
Xaqiijinta adeegsiga AI ayaa soo baxday iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ku saabsan baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo duqeyn lagu beegsaday dugsi ku yaalla koonfurta Iran.
Weerarkaas ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada in ka badan 170 qof, kuwaas kk badankoodu ahaayeen carruur oo goobtaas wax ka baranaysay.