Mareykanka oo qarka u saran in dhaqaale burburkii ugu weynaa uu ka wajaho dagaalka Bariga Dhexe
Mareykanka ayaa dhaqaale burbur xooggan ka wajahaya dagaalka Bariga dhexe iyo misaaniyad aan horay loo sii qorsheyn oo waali ah ay uga baxeyso dagaalka oo u muuqda mid danihii loo galay aan laga biyo keenin.
Boqolkii saacadood ee ugu horeeyay dagaalka ayuu mareykanku dareemay kuleylka dhaqaale ee sida xawliga ah uu u qasaarayo.
Afartii maalmood ee ugu horeysay dagaalka, Maraykanku wuxuu kharash gareeyay $3.7 bilyan. Lacagtan ayaa ka badan miisaaniyadda ciidan ee sanadlaha ah ee in ka badan 100 waddan oo adduunka ah.
Sida Lacagtaas loo kala isticmaalay:
Dhaqdhaqaaqa Ciidanka ($196 Milyan): Kharashka lagu shaqaysiinayo in ka badan 200 oo diyaaradaha dagaalka ah, maraakiibta badda, iyo qalabka madaafiicda.
Hubka iyo Gantaalaha ($3.1 Bilyan): Waxaa la riday in ka badan 2,600 oo hubka casriga ah. Gantaal kasta oo Tomahawk ah wuxuu ku kacay $3.6 milyan, halka gantaalaha JDAM ay ku kaceen $80,000 midkiiba.
Khasaaraha Dagaalka ($359 Milyan) Waxaa ka mid ah saddex diyaaradood oo nooca F-15 ah oo ay saaxiibadood ku qaldeen kuna soo rideen dalka Kuwayt.
Dhibaatada Dhaqaale ee Difaaca
Warbixintu waxay xustay in difaacu uu ka qaalisan yahay weerarka.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan (Shahed drone) waxay ku kacaan $50,000, laakiin in mid kaliya la soo rido waxay Maraykanka kaga baxaysaa lacag 100 laab ka badan qiimaha diyaaraddaas.
Yaa bixinaya lacagtan?
Dawladda Maraykanku waxay dagaalkan ku waddaa “Credit Card-ka ciidanka,” waayo Koongaraska Maraykanku wali ma ansixin lacagtan badankeeda. Waxaa jira saddex waddo oo loo mari karo bixinta deyntan:
- In Koongaraska la waydiisto lacag degdeg ah.
- In laga soo weeciyo mashaariic kale.
- In lagu daro miisaaniyadda mustaqbalka oo laga yaabo in la isku khilaafo.
Maalin kasta oo dagaalku uu sii socda waxaa sii kordhayay qarashka ka baxaya Mareykanka , waxaana hadda maalin kasta la sheegay in mareykanku uu qasaarayo 1 Bilyan oo dollar.
Sida warbaahinta Mareykanku ay werinayso 6-dii maalmood ee ugu horeysay dagaalka Marekanka waxaa uga baxay in kabadan 11 Bilyan dollar taas oo muujineysa kororka waalida ah marka loo eego 4-maalmood ee dagaalka ugu horeysay.
Khuburadu waxay saadaalinayaan in hadii uu dagaalku sii socda kharashka uu ku gaari doona Mareykanka $40 bilyan ilaa $65 bilyan oo dollar.
Si kastaba, dhaqaale burburkan ku socda Mareykanka ayaa loo arkaa sabab rasmi ah oo ku qasbi kara Madaxweyne Trump in uu soo afjaro dagaalka, waxaana hadda uu u muuqdaa mid raadinaya wadadii uu uga bixi lahaa dagaalka oo ka adkaaday sidii uu filayay.