Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay lumiyeen diyaarad nooca diyaaradaha kale shidaalka kula shuba hawada ee KC-135 Stratotanker, kaddib dhacdo ku dhacday hawada galbeedka dalka Ciraaq.
Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM), shilka ayaa dhacay, xilli diyaaraddu ka qayb qaadanaysay hawlgallo milatari oo ka socda gobolka.
Warbixinta ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in laba diyaaradood ay ku lug lahaayeen dhacdada, balse mid ka mid ah ay si nabad ah u degatay halka tan kale ay dhacday, ayadoo mas’uuliyiintu caddeeyeen in shilka uusan ka dhalan weerar cadow ama rasaas.




From the comments