Ciidamada Mareykanka oo shaaciyay inay soo dhacday diyaarad KC-135 ah oo nooca diyaaradaha shidaalka siiya ah
Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay lumiyeen diyaarad nooca diyaaradaha kale shidaalka kula shuba hawada ee KC-135 Stratotanker, kaddib dhacdo ku dhacday hawada galbeedka dalka Ciraaq.
Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM), shilka ayaa dhacay, xilli diyaaraddu ka qayb qaadanaysay hawlgallo milatari oo ka socda gobolka.
Warbixinta ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in laba diyaaradood ay ku lug lahaayeen dhacdada, balse mid ka mid ah ay si nabad ah u degatay halka tan kale ay dhacday, ayadoo mas’uuliyiintu caddeeyeen in shilka uusan ka dhalan weerar cadow ama rasaas.
Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgallo sama-tabbixin ah ay socdaan si loo helo shaqaalihii saarnaa diyaaradda, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin xaaladdooda.
Diyaaradda KC-135 Stratotanker waa mid ka mid ah diyaaradaha muhiimka ah ee Ciidanka Cirka Mareykanka, waxaana loo adeegsadaa in shidaal hawada lagu siiyo diyaaradaha dagaalka iyo kuwa kale ee milatariga si ay u sii wadaan hawlgallada fog.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xiisad militari ay ka jirto Bariga Dhexe, halkaas oo ciidamada Mareykanku ay ka wadaan hawlgallo militari oo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan.