Iiraan oo beenisay inuu Hoggaamiyaheeda Cusubi dhaawac yahay
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato caafimaad ah oo haysata hoggaamiyaha cusub ee dalkaas, Mojtaba Khamenei, isagoo beeniyay hadal kasoo yeeray Mareykanka oo sheegay in hoggaamiyuhu dhaawacmay.
Araqchi ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka MS Now, isagoo ka jawaabay hadal uu Jimcihii jeediyay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, kaas oo sheegay in Khamenei uu ku dhaawacmay weerarro militari isla markaana laga yaabo inuu wejiga dhaawac culusi ka gaaray.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa si cad u diiday wararkaasi, isagoo ku adkeystay in hoggaamiyaha cusub uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo saameysay hoggaankiisa.
Wararkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordheyso, iyadoo Khamenei uusan weli si toos ah uga soo muuqan warbaahinta tan iyo markii uu xilka la wareegay.