Switzerland oo diiday in Mareykanku hawadeeda u adeegsado weerar ka dhan ah Iiraan
Sheeko:Wararka Caalamka
Dowladda Switzerland ayaa si rasmi ah u sheegtay in aysan ogolaan doonin in Mareykanku adeegsado hawadeeda si uu weerar militari uga fuliyo dalka Iran, iyadoo ku adkeysatay siyaasaddeeda dheer ee dhexdhexaadnimada.
Bayaan ay soo saartay dowladda Switzerland ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu doonayo inuu ka fogaado ku lug lahaanshaha xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.
Dowladda ayaa sidoo kale caddeysay in dhulkeeda iyo hawadeeda aan loo adeegsan karin hawlgallo militari oo ka dhan ah dal kale.
Go’aankan ayaa ka dhigan in Switzerland ay noqotay dalka labaad ee Yurub ah ee diida in Mareykanku adeegsado dhulkiisa ama hawadiisa si uu weerar ugu qaado Iran, iyadoo isbayn ay horay u qaaday tallaabo nuucaas ah.