Dowladda Switzerland ayaa si rasmi ah u sheegtay in aysan ogolaan doonin in Mareykanku adeegsado hawadeeda si uu weerar militari uga fuliyo dalka Iran, iyadoo ku adkeysatay siyaasaddeeda dheer ee dhexdhexaadnimada.
Bayaan ay soo saartay dowladda Switzerland ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu doonayo inuu ka fogaado ku lug lahaanshaha xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.
Dowladda ayaa sidoo kale caddeysay in dhulkeeda iyo hawadeeda aan loo adeegsan karin hawlgallo militari oo ka dhan ah dal kale.




From the comments