U bood dhigaalka

Koofur Galbeed Oo Xanibaad Safar Kusoo Rogtay Saraakiil Iyo Mas’uuliyiin Baydhabo Ku Sugan

Sheeko:War

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xanibaad safar oo lagu soo rogay dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Baydhabo.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 16-ka Maarso 2026 aan wax safar ah laga bixi karin magaalada Baydhabo ilaa amar dambe.

Go’aankan ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida guud ee deegaannada Koofur Galbeed.

Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale fartay dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta in ay si buuxda u hoggaansamaan amarkan, isla markaana aanay ka bixi karin magaalada iyaga oo aan helin ogolaansho rasmi ah oo ka yimaada Wasaaradda Amniga Gudaha.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa soo saaray digniin adag oo ku saabsan daaweynta dadka dhaawaca ah ee la keeno xarumaha caafimaadka.
Taliska ayaa ku amray dhammaan xarumaha caafimaadka ee ku yaalla deegaanada Koofur Galbeed in aan la daaweyn karin qof dhaawac ah ilaa marka hore la ogeysiiyo hay’adaha amniga iyo hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Gaarka ah.

Sidoo kale xarumaha caafimaadka waxaa laga doonayaa in ay diiwaangeliyaan xogta qofka dhaawacan, oo ay ku jiraan:
Magaca iyo aqoonsiga qofka
Meesha uu ka yimid iyo cinwaankiisa
Sababta iyo goobta uu dhaawacu ka soo gaaray.