U bood dhigaalka

In ka badan 400 qof oo ku geeriyooday weerar lagu qaaday goob dhaqan-celin oo ku taalla Afgaanistaan

In ka badan 400 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerar lala beegsaday xarun dhaqan-celin oo lagu daweeyo dadka qabatimay daroogada oo ku taalla caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

Mas’uuliyiinta Afgaanistaan ayaa ku eedeeyay dowladda Pakistan inay mas’uul ka tahay duqeymaha sababay khasaaraha baaxadda leh ee ka dhacay xaruntaasi, taasoo la sheegay inay sidoo kale dhaawacday boqollaal kale oo dad ah.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xarunta ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo u badnaa bukaano iyo shaqaale caafimaad.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Afgaanistaan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay musiibo bani’aadamnimo oo aad u weyn, isagoo ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo weerarka iyo cidda ka dambeysa.

Dhanka kale, dowladda Pakistan ayaa si adag u beenisay eedeymaha loo jeediyay, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo lagu marin-habaabinaayo ra’yiga dadweynaha.

Bayaan ka soo baxay Islamabad ayaa lagu sheegay in ciidamada Pakistan ay fuliyeen howlgallo militari oo bartilmaameedkoodu ahaa goobo ciidan oo ku yaalla Kabul iyo gobolka Nangarhar, isla markaana aysan jirin wax weerar ah oo lala beegsaday xarumo rayid.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa sii kordheysa iyadoo eedeymahan is dhaafsiga ah ay imanayaan xilli ay horey u jireen khilaafaad amni iyo siyaasadeed oo u dhexeeya Kabul iyo Islamabad.