U bood dhigaalka

Iiraan  oo Gantaallo  ku garaacaysa Israa’iil iyo Daanta Galbeed

Dad ku sugan qaybo ka mid ah Israa’iil iyo Daanta Galbeed ayaa sheegay inay arkeen gantaallo badan oo hawada maraya, kuwaas oo ka yimid Iiraan, iyadoo xaaladdu uu dagaalka gobolka Bariga Dhexe sii xoogaysanayo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in gantaalladani ay ku hoobanayaan magaalooyin dhowr ah, halka nidaamyada difaaca hawada ee Israa’iil uu ku guul-darreysatay inuu si degdeg ah uga hortago.

Qaraxyo iyo iftiin xooggan ayaa laga arkay meelo kala duwan, taasoo cabsi gelisay dadka deegaanno dhawr ah, ayadoo
Saraakiil ka tirsan Israa’iil ay sheegeen in qayb ka mid ah gantaalladu ku dhaceen goobaha dad rayid ahi ku sugnaayeen, inkastoo aan weli si buuxda loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarradaas.

Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa laga dhigay heegan, iyadoo dadweynaha lagu amray inay galaan goobaha gabaadka,
Dhinaca kalena, ilo warbaahineed oo gobolka ah ayaa sheegay in weerarkan uu u muuqdo mid looga jawaabayo dilkii Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan Cali Larijaani.