Goobjoog

DF Soomaaliya oo si Adag u Cambaareysay Weerarro lala Beegsaday Kaabayaasha Tamarta ee Waddamada Khaliijka

​Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku cambaareysay weerarro ay sheegtay inay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaadday kaabayaasha muhiimka…

DF Soomaaliya oo si Adag u Cambaareysay Weerarro lala Beegsaday Kaabayaasha Tamarta ee Waddamada Khaliijka

​
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku cambaareysay weerarro ay sheegtay inay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaadday kaabayaasha muhiimka ah ee tamarta ee dalalka Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta.

​Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in ficilladaas ay yihiin xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay khatar weyn ku yihiin nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka iyo tan caalamka intaba.

Soomaaliya waxay si cad u muujisay inay garab taagan tahay dowladaha iyo shucuubta dalalka Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraadka, iyadoo taageertay tallaabo kasta oo ay u qaadayaan difaaca madax-bannaanidooda iyo badqabka dadkooda.

​Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay deganaan iyo in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafaadka si looga baaqsado xiisad intaas ka badan. Maaddaama Soomaaliya ay ku taallo marin-badeed muhiim u ah ganacsiga adduunka, waxay qoraalkeeda ku tiri, “Waa muhiim in la ilaaliyo marinnada tamarta ee laf-dhabarta u ah xasilloonida dhaqaale ee dunida.”

​Ugu dambayn, dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay inay la shaqeyso saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona sugo amniga kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments