Hay’adda garsoorka ee dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday fulinta xukun dil ah oo lagu riday saddex qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshado ka dhacay magaalada Qum bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
Sida ay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaasi sheegtay, maxaabiistan ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin kicinta qalalaasaha, weerarro ka dhan ah ammaanka dadweynaha, iyo falal lagu tilmaamay inay halis gelinayeen xasilloonida qaranka.
Xukunka dilka ayaa la fuliyay kaddib markii ay soo mareen heerar kala duwan oo maxkamadeed, sida ay sheegeen masuuliyiinta garsoorka.




From the comments