Goobjoog

Dowladda Federaalka oo Taliye Cusub u Magacowday Gobolka Baay

​Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali oo loo yaqaanno Duudishe loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur…

Dowladda Federaalka oo Taliye Cusub u Magacowday Gobolka Baay

​Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali oo loo yaqaanno Duudishe loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii xilkii laga qaaday taliyihii hore ee gobolkaas Amiin Mad-daruur, kaas oo la sheegay inuu lumiyay kalsoonida taliska guud kadib markii uu ku gacan sayray amarro looga yeeray magaalada Muqdisho, isagoo door biday inuu garab istaago hoggaanka madaxwayne Laftagareen oo xilligan khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

​Sadiiq Duudishe oo ah sarkaal si weyn looga yaqaanno dalka ayaa xilkan loo magacaabay xilli xasaasi ah, isagoo muddo ku dhow 20 sano ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Sarkaalkan cusub ayaa aqoon durugsan u leh howlaha amniga, maadaama uu muddo afar sano ah oo u dhaxeysay 2007 ilaa 2010 uu tababar heer sarkaal ah kusoo qaatay dalka dibadiisa. Intii uu ku jiray adeegga ciidanka, wuxuu soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye Xigeenka CID-da iyo Taliye Xigeenka Hoggaanka Howlgallada Boliiska.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments