Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa isbedel weyn ku sameeyay hoggaanka amniga ee gobolka Baay, iyadoo Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) loo magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaa isla markaasna Taliyaha Saldhigga Boliiska Degmada Baydhabo loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey), kaasoo horay u ahaa Taliyihii Taraafikada ee gobolkaas, taasoo muujinaysay in xubno khibrad u leh deegaanka loo xilsaaray amniga magaalada.
Isbedelkan dhanka hoggaanka ah ayaa kusoo aadaya xilli aad u xasaasi ah oo ay jirto xiisad siyaasadeed oo xooggan oo u dhaxeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taasoo salka ku haysa loolanka awoodda iyo amniga deegaanka.




From the comments