Iyadoo dagaalka iyo xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz ay sii xoogeysanayaan, isla markaana ay hakad geliyeen qulqulka shidaalka ee ka imanaya Iiraan iyo dalalka Khaliijka, waddamada Aasiya ayaa galay xaalad deg-deg ah oo aan hore loo arag.
Qiimaha shidaalka oo gaaray heerarkii ugu sarreeyay bishan March 2026 ayaa ku qasbay dowlado badan inay qaataan go’aanno adag oo si toos ah u beddelaya hab-nololeedka bulshada.
Qalalaasahan tamareed ma aha oo kaliya mid dhaqaale, waa mid si qoto dheer u saameynaya nolol maalmeedka, shaqada, iyo dhaqanka bulshooyinka.
1. Toddobaadkii Shaqada oo la Gaabiyay – Sri Lanka
Sri Lanka waxay qaadatay tallaabo lama filaan ah taas oo ah: in hal maalin oo toddobaadka ah gebi ahaanba la joojiyo shaqada iyo waxbarashada. Maalinta Arbaco ayaa loo asteeyay maalin lagu badbaadinayo tamarta, iyadoo dadka lagu dhiirrigeliyay inay guryaha joogaan.
Tani waxay si weyn u yareysay isticmaalka shidaalka ee gaadiidka iyo korontada xafiisyada, iyadoo hoos u dhac ku dhow 20% laga diiwaangeliyay isticmaalka tamarta qaranka.
2. Shaqoooyinkii oo online loo badelay iyo Gaadiidka oo la Wadaagayo– Vietnam
Vietnam waxay si deg-deg ah u hirgelisay nidaamka shaqada guriga (remote work) meel kasta oo suurtagal ah, dowladda ayaa sidoo kale ku boorisay muwaadiniinta inay yareeyaan isticmaalka gaadiidka gaarka ah.
Baaskiillada, socodka, iyo gaadiidka wadaagga ah (carpooling) ayaa noqday xalal muhiim ah, si loo yareeyo isticmaalka shidaalka loona xakameeyo kharashaadka sii kordhaya.
3. Xakamaynta Gaadiidka Gaarka ah – Myanmar
Myanmar waxay soo rogtay nidaam adag oo lagu xaddidayo isticmaalka baabuurta gaarka loo leeyahay, iyadoo la adeegsanayo nidaamka odd/even, baabuurta waxaa loo oggol yahay inay waddooyinka maraan maalmo gaar ah oo ku xiran lambarka taargadooda.
Tallaabadan ayaa si weyn u yaraysay ciriiriga gaadiidka iyo isticmaalka shidaalka, iyadoo sidoo kale hoos u dhigtay qiiqa wasakheynta hawada.
4. Isbeddel nololeed iyo iyo mid Tamareed – Thailand
Thailand waxay si toos ah u taabatay hab-nololeedka shaqaalaha, dowladda ayaana ku boorisay shaqaalaha inay iska dhaafaan dharka culus sida suudadka, ayna xirtaan dhar khafiif ah oo u fududeynaya kuleylka.
Ujeedadu waa in la yareeyo isticmaalka qaboojiyeyaasha (AC), iyadoo xafiisyada lagu amray in heerkulka AC-ga loo qaado ugu yaraan 26°C. Qaboojiyeyaasha ayaa ah isticmaalaha ugu weyn ee korontada xafiisyada.
5. Korontada oo si Qorshaysan loo adeegsanayo – Bangladesh
Bangladesh waxay dooratay xal adag, balse lama huraan ah: koronto-goyn wareeg ah (rolling blackouts), Xaafadaha iyo warshadaha ayaa si jadwaleysan loogu damiyaa korontada si loo ilaaliyo nidaamka guud ee korontada.
Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in la tashiilo gaaska dabiiciga ah (LNG), kaas oo si aad ah u qaaliyoobay kadib carqaladeynta sahayda.
Isbeddel ka baxsan Tamarta
Waxa ka muuqda tallaabooyinkan in qalalaasaha tamartu uusan ku koobnayn shidaal ama koronta, balse uu si toos ah u beddelayo:
• Habka shaqada
• Qaabka safarka
• Dhaqanka labiska
• Nolosha maalinlaha ah ee bulshada
Dowlado badan ayaa hadda ku qasban inay dib u qaabeeyaan siyaasadohooda si ay ula qabsadaan xaalad cusub oo tamareed.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalka Iiraan iyo xiisadda marin-biyoodka Hormuz waxay mar kale muujiyeen sida ay dunidu ugu tiirsan tahay tamarta, marka sahaydu yaraatona, isbeddelku ma sugayo wuxuu ku dhacaa si deg-deg ah, mararka qaarna si lama filaan ah.