Goobjoog

​Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Beeniyey Warar Been Abuur ah oo ku Saabsan Shil Diyaaradeed

​MUQDISHO – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa si cad u beeniyey warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo…

​Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Beeniyey Warar Been Abuur ah oo ku Saabsan Shil Diyaaradeed

​MUQDISHO – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa si cad u beeniyey warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in diyaarad nooca Helicopter-ka ah ay ku dhacday magaalada Baydhabo.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Taliska maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Maarso 2026, ayaa lagu xaqiijiyey in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uusan jirin wax shil ah oo noocaas ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ama deegaannada ku xeeran.

​Taliska ayaa ku tilmaamay wararkan been abuurka ah kuwo loola jeedo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, laguna wiiqo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan hay’adaha amniga ee dalka. Sidaas darteed, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu ugu baaqay warbaahinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, iyadoo lagu adkeeyey in xogta saxda ah laga helo oo kaliya ilaha rasmiga ah ee ciidanka.

​Ugu dambayn, Taliska CXDS wuxuu xaqiijiyey in xaaladda guud ee amniga ee magaalada Baydhabo ay tahay mid aad u deggan, ciidankuna ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran ee difaaca iyo sugidda nabadgelyada dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments