Goobjoog

Burcad-baddeed Soomaali ah oo afduubtay dooni laga leeyahay dalka Iiraan

Digniin cusub oo ay soo saartay Xarunta Amniga Badaha ee Badweynta Hindiya (MSCIO) ayaa lagu sheegay in koox burcad-baddeed Soomaali ah ay afduubteen dooni laga leeyahay dalka Iiraan. Doonidaan ayaa…

Burcad-baddeed Soomaali ah oo afduubtay dooni laga leeyahay dalka Iiraan

Digniin cusub oo ay soo saartay Xarunta Amniga Badaha ee Badweynta Hindiya (MSCIO) ayaa lagu sheegay in koox burcad-baddeed Soomaali ah ay afduubteen dooni laga leeyahay dalka Iiraan.

Doonidaan ayaa lagu magacabaa Al Waseemi 786, taasi oo laga baqayo inay u adeegsadaan saldhig ay ka weeraraan maraakiibta kale ee ganacsiga kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Dhacdadan ayaa ka dhacday shalay meel qiyaastii 400 oo mayl-badeed dhanka bari kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taas oo muujinaysay in kooxaha burcaddu ay hadda awood u leeyihiin inay aad uga fogaadaan xeebaha si ay u beegsadaan maraakiibta caalamiga ah.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa aaminsan in doontaan ay noqon karto mid u sahlaysa burcad-baddeeda inay ku dhex dhuuntaan doomaha kalluumeysiga ee caadiga ah.

Inkastoo bishii u dambeysay ay xaaladdu xoogaa deggenayd, haddana dhacdadan ayaa muujinaysay in khatartu ay weli taagan tahay, iyadoo tan iyo bishii Nofembar 2023 la diiwaangeliyay illaa 57 dhacdo oo la xiriira isku-dayo ama afduubyo ka dhacay gobolka.

Maraakiibta maraysa agagaarka halka ay wax ka dhaceen ayaa looga digay inay u dhowaadaan masaafo dhan 200 oo mayl-badeed, maadaama burcaddu ay hadda haystaan agab ay ku kordhin karaan weeraradooda ilaa 600 oo mayl-badeed ka fog xeebaha Soomaaliya. Tani waxay dhabar-jab ku tahay dedaalladii caalamiga ahaa ee lagu xasilinayay amniga marin-badeedyada muhiimka ah ee ku dhow Geeska Afrika.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments