Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Turkey, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Bariga Dhexe, isagoo cambaareeyay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, kuna tilmaamay duullaan si toos ah loogu beegsanayo dalalka Islaamka.
Erdogan ayaa sheegay in ficillada dowladda uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu aysan ku koobnayn Iiraan oo keliya, balse ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo uu ku sheegay in lagu doonayo in lagu ballaariyo saameynta Israa’iil ee gobolka.
“Xukuumadda Netanyahu ma beegsanayso oo keliya Iiraan, sidoo kale waxay si tartiib tartiib ah u fulinaysaa qorshayaasheeda ku wajahan qabsashada Lebanon iyo dhulal kale oo ay leeyihiin muslimiintu,” ayuu yiri Erdogan.




From the comments