Goobjoog

DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed oo lagu dhaariyay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xildhibaanada Baarlamaanka 3-aad ee maamulkaas kadib markii Guddiga Doorashooyinka ay soo saareen liiska 95-ka…

DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed oo lagu dhaariyay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xildhibaanada Baarlamaanka 3-aad ee maamulkaas kadib markii Guddiga Doorashooyinka ay soo saareen liiska 95-ka mudane ee ka kooban aqalka cusub.

Guddigu waxay xaqiijiyeen in xulista xildhibaanadan ay timid kadib wadatashiyo qoto dheer oo lala sameeyay odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ah iyadoo lagu saleeyay nidaamka awood-qaybsiga iyo qodobbada dastuuriga ah ee u degsan maamulka.

​In kasta oo guddigu sheegay in hannaanku yahay mid sharci ah oo dammaanad qaadaya matalaadda beelaha, haddana dhaarintan waxay kusoo aadaysaa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed maadaama xubnaha mucaaradka ay si adag u diideen liiskan iyagoo ku tilmaamay mid u xiran Madaxweyne Laftagareen.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments