Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa xaqiijinaya in Dr. Cali Saciid Fiqi loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 3-aad ee maamulkaas.
Doorashadan oo ka dhacday hoolka weyn ee baarlamaanka ayaa timid waxyar kadib markii la dhaariyay xildhibaanada cusub, waxaana Dr. Fiqi oo horey u soo qabtay xilkan uu mar kale ku guuleystay hoggaanka mudanayaasha.
Doorashadan ayaa u muuqata mid hal dhinac ah oo ay dardar-gelinayaan mas’uuliyiinta maamulka hadda jira, iyadoo ay jiraan qaylo-dhaan iyo diidmo xooggan oo ka imaanaysa dhinaca mucaaradka oo sheegay in hannaanka lagu dhisay baarlamaankan uusan ahayn mid loo dhan yahay.




From the comments