Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa in saacadaha soo socda uu gudaha madaxtooyada Villa Somalia kulan deg-deg ah kula yeelan doono wakiillada saaxiibada caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee xilligan ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madaxtooyadu ay doonayso inay Beesha Caalamka la wadaagto mawqifka dowladda ee ku aaddan khilaafka taagan, iyadoo dhanka kalena laga filayo xubnaha caalamiga ah inay ku baaqaan is-xakamayn iyo in wadahadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya labada dhinac.




From the comments