Baydhabo-Soomaaliya: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fulinta howlgalkii Al-Shabaab looga saaray wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, oo ay wehliyaan saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Deegaanka.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha amni ee magaalada Baydhabo oo ay shalay soo gaareen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidamada Deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan.
Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay uga saareen Al-Shabaab wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.




From the comments