Khasaaraha dhimasho ee Iiraan ka soo gaaray dagaalka ay kula jirto Mareykanka iyo maamulka Israa’iil ayaa la shaaciyay, ayadoo tiradu ay aad u badantahay marka la eego mudada uu dagaalku socday.
Ururka International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka socda Iiraan uu gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 1,900 oo qof oo dhimasho ah, halka in ka badan 21,000 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii ay billowdeen weerarrada ay fuliyaan Mareykanka iyo Israa’iil.
Warbixin uu soo saaray xafiiska ururka ee Iiraan ayaa lagu sheegay in xaaladda bani’aadannimo ay si weyn uga sii darayso, iyadoo isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ay la tacaalayaan culays aad u weyn oo ka dhashay tirada badan ee dhaawacyada.




From the comments