Goobjoog

Woqooyi-bari oo Soo Dhoweysay Wax ka Beddelka Dastuurka, Ballanqaadayna Doorashooyin Qof iyo Cod ah

Dawlad-gobolleedka Woqooyi-bari ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumarineysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.…

Woqooyi-bari oo Soo Dhoweysay Wax ka Beddelka Dastuurka, Ballanqaadayna Doorashooyin Qof iyo Cod ah

Dawlad-gobolleedka Woqooyi-bari ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumarineysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha maamulka Woqooyi-bari, Mudane Firdhiye, oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in maamulkiisu uu si buuxda u taageersan yahay isbeddelka dastuurka, islamarkaana uu door weyn ka qaadan doono hirgelintiisa.

“Maamulka Woqooyi-bari wuxuu soo dhoweynayaa wax ka beddelka dastuurka dalka lagu sameeyay, waxaana si dhab ah uga shaqaynaynaa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah,” ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah ay muhiim u tahay xoojinta matalaadda shacabka iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan rabitaanka muwaadiniinta.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad kala guur ah oo la xiriirta dib-u-habeynta dastuurka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo nidaam doorasho oo ka duwan kii hore ee ku saleysnaa habka dadban.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in taageerada ay muujiyeen maamullada qaar ay sare u qaadi karto suurtagalnimada hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, inkastoo ay weli jiraan caqabado la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo isku duwidda siyaasadeed ee heer federaal iyo heer dowlad-gobolleed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments