Goobjoog

Dhar Milatari oo lala xiriirinayo Al-Shabaab oo laga helay Eastleigh, Nairobi

Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen xirmooyin dhar milatari ah oo lagu tuhunsan yahay in loo waday kooxda Al-Shabaab, kaddib howlgal ay ka sameeyeen xaafadda…

Dhar Milatari oo lala xiriirinayo Al-Shabaab oo laga helay Eastleigh, Nairobi

Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen xirmooyin dhar milatari ah oo lagu tuhunsan yahay in loo waday kooxda Al-Shabaab, kaddib howlgal ay ka sameeyeen xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay in la qabtay ilaa 12 xirmo oo ka kooban darees ciidan oo u eg kuwa ay isticmaalaan kooxaha hubeysan.

Sida ay sheegeen saraakiisha baaritaanka, alaabtan ayaa la tuhunsan yahay inay kasoo degtey dekedda Mombasa, iyadoo la rumeysan yahay inay asal ahaan ka timid dalka Shiinaha.

Hay’adaha ammaanka ayaa tilmaamay in dharkaasi si qarsoodi ah loogu soo dhex qariyay badeecooyin kale, si looga fogaado in si fudud loo ogaado.

Howlgalka lagu qabtay dharkan ayaa daba socday xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ka jiray gudaha Eastleigh, oo ah xaafad ganacsi oo ay si weyn u degan yihiin Soomaali.

Ciidamada ammaanka ayaa weerar ku qaaday goob bakhaar ah oo lagu keydinayay alaabta, halkaas oo ay ka heleen xirmooyinka la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in baaritaan ballaaran uu socdo, isla markaana la raadinayo cid kasta oo ku lug leh soo dejinta, kaydinta iyo qaybinta dharkan. Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin halka ay ku socdeen, haddana waxaa jira tuhun xooggan oo tilmaamaya in loo waday kooxo xiriir la leh Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa marar badan adkaysay tallaabooyinka ka hortagga argagixisada, gaar ahaan ka hortagga sahayda iyo qalabka ay isticmaalaan kooxaha hubeysan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments