Madaxweynaha ee Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa sheegay in uu oggolaaday in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo duqeymaha iyo weerarrada ka dhanka ah Iran muddo laba toddobaad ah.
Trump ayaa xusay in go’aankan uu yimid kadib wada-hadallo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir, kuwaas oo codsaday in la hakiyo tallaabooyinka militari si loo helo fursad xal nabadeed.
Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in Iran ay soo bandhigtay qorshe ka kooban 10 qodob, kaas oo uu ku tilmaamay mid saldhig u noqon kara wada-xaajood rasmi ah.
Wuxuu intaas ku daray in labada dhinac ay horey u gaareen horumar la taaban karo oo ku saabsan arrimo badan oo muran ka taagnaa.




From the comments