U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii: Fanaanadda Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal)

Abriil 10, 2026

Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor la xaqiijiyay geerida fanaanaddii qaranka Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal), oo goor dhow ku geeriyootay dalka Mareykanka, halkaas oo ay ku nooleyd tan iyo sanadkii 1994-kii.

Shankaroon Axmed Yuusuf waxay ka mid ahayd fannaaniintii dahabiga ahaa ee aadka loo jeclaa, kuwaas oo xasuus gaar ah kaga tegay qalbiyada dadka Soomaaliyeed.

Shankaroon Axmed Yuusuf waxay ku soo kortay jawi faneed oo kobciyay hal-abuurkeeda, waxayna si rasmi ah uga mid noqotay Hobollada Waaberi, oo ahaa tiirkii ugu weynaa suugaanta Soomaaliyeed.

Codkeeda furan, muusigeeda jilicsan iyo sida ay u matali jirtay heesaha ayaa ka dhigtay mid si degdeg ah u kasbata taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar  ahaan kuwa fanka xiiseeya.

Fannaanadda waxaa lagu xasuustaa heesaha tiro badan oo waddani iyo jacayl isugu jira, kuwaas oo qaarkood ka mid noqday heesaha ugu caansan suugaanta Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah:
“Goor iyo Ayaan”
“Lahashada Jacaylka”
“Wuu Gudaa Jacayl”
“Eedaad”
“Allow Nin Daacada”

Fannaaniinta ay heesaha la qaatay
Intii ay ku jirtay Hobollada Waaberi, waxaa ka mid ah:
1) Xasan Aadan Samatar
2) Maxamed Cali Kaariye
3) Maxamed Yuusuf
4) Maxamed Mooge Liibaan
5) Axmed Cali Cigaal
Iyo fannaaniin kale oo heer qaran ah ayaa, taas oo ka dhigtay mid kamid xidigihii ugu caansanaa kooxda Waaberi.

Shankaroon waxay u guurtay Mareykanka dabayaaqadii sanadkii 1994-kii, waxayna halkaas ku noolayd in ka badan soddon sano, iyadoo weli xiriir dhow la lahayd bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka.

Sannadihii u dambeeyay, waxay la ildarneyd xanuun muddo  hayay, kaas oo ugu dambeyn sababay geerideeda oo saacado ka hor la xaqiijiyay.