Goobjoog

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan rasmi ah oo lagu magacaabay Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loo xoojiyo…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan rasmi ah oo lagu magacaabay Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loo xoojiyo hirgelinta nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta deegaanada maamulkaas.

Go’aankan oo ku taariikhaysan 11-ka Abriil 2026, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban xubno khibrad u leh arrimaha bulshada, kuwaas oo hoggaamin doona dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhisayo is-afgarad waara.

Guddiga waxaa guddoomiye looga dhigay Cabdulqaadir Cilmi Cali agaasimaha Guud ee Wasaaradda halka guddoomiye ku xigeen uu noqday Cali Cabdullaahi Isaaq, waxaana xubnaha kale ka mid ah mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno door muuqda ku leh bulshada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guddigan loo igmaday howlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin qabashada iyo diyaarinta gogol nabadeed, hagidda iyo bixinta talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, xalinta khilaafaadka ka dhasha arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo bulshada, iyo sidoo kale ka shaqeynta xoojinta wada-noolaanshaha bulshada.

Sidoo kale, guddigan ayaa door weyn ka qaadan doona soo jeedinta talooyin ku aaddan heshiisyo waara oo lagu xallin karo khilaafaadka, iyadoo la kaashanayo hoggaanka dhaqanka iyo bulshada rayidka ah si loo helo nabad iyo xasilooni waarta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xustay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadda, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyadda, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in si dhow ula shaqeyn doonto maamulka Koonfur Galbeed iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo xaqiijiyo guusha iyo waxtarka howlaha guddigan cusub.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments