Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in dadaallo buuxa ay weli socdaan si xal nabadeed loogu helo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kaddib wada-hadallo horraantii Todobaadkan lagu qabtay magaalada Islamabad oo ku dhammaaday natiijo la’aan.
Sharif ayaa muujiyay in inkasta oo wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac ay fashilmeen, haddana rajo laga qabo in xal diblomaasiyadeed la gaari karo ay weli jirto.
Wuxuu xusay in Pakistan ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aaddan fududeynta wadahadallada iyo yareynta xiisadda sii kordheysa ee gobolka.




From the comments