Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa si degdeg ah u sii xoogeysanaysa, kadib markii militariga Mareykanka uu bilaabay dhaqan-gelinta xannibaad badeed oo lagu joojinayo dhammaan maraakiibta galaysa ama ka baxaysa dekedaha Iiraan.
Tallaabadan oo loo arko mid si weyn u sii kicin karta colaadda gobolka, ayaa timid kadib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambeysta ahaa ee Trump uu u qabtay Tehran, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag uga hadlay arrintan, isagoo ku hanjabay in maraakiib kasta oo Iiraan leedahay oo isku dayq inuu jabiyo xannibaadda ay si degdeg ah u burburin doonaan ciidamada badda Mareykanku.




From the comments