Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in jiritaanka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah ugu xiran tahay awoodda iyo jiritaanka ciidanka dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in haddii aanu ciidanku jirin, bulshaduna aysan jiri karin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu ku muujiyay kaalinta lama huraanka ah ee ciidanku ku leeyahay difaaca qaranka iyo ilaalinta karaamada ummadda.
“Haddaad maqasho sharaf ummadeed, haddaad maqasho qab ummadeed, haddaad maqasho karaamo ummadeed – waa xoogga iyo ciidanka ay ku xisaabtamayso ee ayadu leedahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo tilmaamay in awoodda ciidan ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu ilaashado madax-bannaanida iyo sumcadda qaran.




From the comments