U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse: “Haddii aanu ciidankeenu jirin, bulshaduna ma jiri karto”

Abriil 13, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in jiritaanka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah ugu xiran tahay awoodda iyo jiritaanka ciidanka dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in haddii aanu ciidanku jirin, bulshaduna aysan jiri karin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu ku muujiyay kaalinta lama huraanka ah ee ciidanku ku leeyahay difaaca qaranka iyo ilaalinta karaamada ummadda.

“Haddaad maqasho sharaf ummadeed, haddaad maqasho qab ummadeed, haddaad maqasho karaamo ummadeed – waa xoogga iyo ciidanka ay ku xisaabtamayso ee ayadu leedahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo tilmaamay in awoodda ciidan ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu ilaashado madax-bannaanida iyo sumcadda qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale xusay in dunida maanta ay marayso marxalad cusub oo aan wax badan la isku qarin, islamarkaana awoodda ciidan ay tahay mid lagu kala baxo, taas oo ka dhigeysa in dal kasta uu ku qasban yahay inuu yeesho ciidan awood leh oo difaaci kara danihiisa.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wajahdo halis jiritaan haddii aysan dhisan ciidan xooggan, isaga oo ballanqaaday in la xoojinayo tayada, tirada iyo qalabaynta ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay ciidamada qalabka sida kaalinta ay ka qaataan difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha dawladda diiddan, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan halganka ay ugu jiraan ilaalinta qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.