Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa si cad u sheegay in qaaradda Afrika aysan gaari karin horumar dhab ah haddii aan dib-u-habeyn lagu sameyn African Union.
Ruto ayaa tilmaamay in Midowga Afrika uu u baahan yahay isbeddel ku saabsan sida uu u shaqeeyo, go’aanada loo gaaro, iyo sida dalalka xubnaha ka ah ay uga faa’iideystaan.
Wuxuu xusay in nidaamka hadda jira uusan si buuxda uga jawaabin caqabadaha waaweyn ee Afrika ka jira, sida amniga, dhaqaalaha, iyo isdhexgalka dalalka.




From the comments