Maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu xalliyo xaaladda maxaabiista looga heysto magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka, ayaa sheegay in xukuumaddiisu diyaar u tahay xal kasta oo lagu gaari karo nabad waarta, isagoo carrabka ku adkeeyay in wadahadalka uu yahay waddada kaliya ee lagu dhameyn karo khilaafaadka jira.
Wuxuu xusay in Somaliland ay hore u soo jeedisay qodobo ay ka mid yihiin isdhaafsiga maxaabiista, furitaanka isu-socodka ganacsiga iyo dadka, iyo dhismaha jawi lagu wada hadli karo, balse ilaa hadda aan jawaab rasmi ah laga helin dhinaca maamulka Waqooyi Bari.




From the comments