Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Dalladda SORECA, oo ay ku mideysan yihiin shirkadaha dhismaha dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Dalladda, si loo horumariyo kaabayaasha dalka iyo magaalooyinka, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo waxtar leh oo kor u qaada kobaca iyo nidaaminta qaybta dhismaha.
Guddoomiyaha Guud ee Boorka Dalladda SORECA mudane Cabdirisaaq Cali Warsame ayaa Kulanka sharaxay doorka iyo muhiimadda ay Dalladdu ku leedahay horumarinta dhismaha iyo kaabayaasha dalka, isagoona Wasaaradda ka dalbaday wada-shaqayn joogtaa .




From the comments